Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada amniga oo soo afjaray weerarki wasaarada shaqada iyo shaqaalaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in lasoo afjaray weerarkii ku bilowday qaraxyada ee Maanta lagu qaaday Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Wasaardda Howlaha Guud.

Weerarka lagu qaaday Wasaaradda oo ku bilowday laba qarax oo gaari laga soo buuxiyey ayaa waxaa kadib gudaha u galay dableyd ku hubeysan Qoryaha fudud iyo Bambooyinka Gacmaha laga tuuro.

Dagaal culus iyo is rasaaseyn ka dhacday Wasaaradda dhexdeeda, ciidamada Dowladda ayaa ku guuleystay inay soo afjaraan weerarkaas oo qaatay ilaa 3 Saacadood.

Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay inay weerarkaas soo afjareyn isla markaasna la toogtay dhammaan dableydii weerarka soo qaaday oo ahaa Afar ku labisan Dareeska Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa hadda baaritaan ka wado Wasaaradda si loo xaqiijiyo amniga.

Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay inay Saxaafadda usoo bandhigi doonaan meydka dableyda weerarka soo qaaday marka la xaqiijiyo Amniga Xarunta oo hadda laga wado baaritaan loo xog leh.

Weli lama ogo Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka lagu qaaday Wasaaradda, balse gaadiidka Gurmadka Deg deg ah ayaa sheegay inay halkaas ka qaadeyn dhaawaca dad gaarayo illaa 11 qof oo ahaa dad shacab ah.

Dhismaha Wasaaradda iyo Guryaha u dhow dhow ayaa waxaa ka muuqdo burbur aad u xooggan oo dhashay qaraxyadii halkaas ka dhacay iyo rasaasta la isku dhaafsaday Gudaha Wasaaradda.

Wixii kusoo kordho kala soco Caasimadda Online.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this