Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ku xigeenkii Shaqada iyo Shaqaalaha oo ku dhintay weerarkii Wasaaradda 

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Muqdisho ayaa sheegayo in lasoo afjaray weerarkii laguy qaaday  Gudaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Dowladda Soomaaliya.

Dableyd ka kooban 4 ilaa 5 oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa gudaha u galay Wasaaradda, waxayna ku labisnaayeen Dareeska Ciidamada Booliska Soomaaliya iyadoo ugu dambeyn lagu guuleystay in la toogto.

Dhismaha la weeraray ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa isku dhegan, sidoo kale waxaa u dhow Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Waxaa la soo sheegayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay qaraxyada.

Dadka ilaa hadda sida rasmiga ah loo xaqiijiyey inay ku dhinteen weerarkaas ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla sidoo kalena ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya.

Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Wasaaradda, Wasiirka waxaa uu ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha xilliga uu dhacayay weerarka Wasaaradaha shaqaalaha iyo howlaha guud.

images.jpeg-4-696x419.jpg

Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa tiradooda gaarayo ilaa 11 qof sida laga soo xigtay Baabuurta Gargaarka Deg deg ah ee Ambalaasta.

Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarka sida ay ku sheegeyn war saxaafadeed xoogaa ka hor kasoo baxay.

“Ciidamada Al-Shabaab ayaa howlgal ballaaran ka wada xarumaha wasaaradaha Shaqada iyo Shaqaalaha, iyo Wasaaradda Howlaha Guud, howlgal aad u xooggan ayaana socda” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xarakada Al Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this