Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Soomaaliya Iyo Turkiga Oo Kala Saxeexday Heshiis Is Dhaafis Dhul Safaaradeed

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa la saxeexday Wasiirka Arrimaha Dibbada Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu heshiis ku saabsan isdhaafsi dhul safaaradeed labada dal ay ku kala yeelanayaan Ankara iyo Muqdisho.

heshiis-somtur-1-595x420.jpg

Heshiiskan ayaa dhigaya in labada dhul ee ku kala yaalla labada magaalo uu dalba midka kale kiisa yeesho. Arrintan ayaa ah mid caadi ah oo inta badan dalalka caalamka ay sameeyaan.

Soomaaliya iyo Turkey waxaa ka dhexeeya xidhiidh diblomaasiyadeed oo xooggan iyo wax wadaag istiraatiijiyadeed oo dhinacyo badan leh oo nacfi wadaag ah.

Turkiga waa dalka ugu weyn ee taageerada siiya Soomaaliya, waxaana uu dalka ka fuliyey mashaariic waa weyn, sida garoon diyaaradeed, Cisbitaallo, waddooyin iyo goobo waxbarasho.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this