Sign in to follow this  
Deeq A.

Komishanka Doorashooyinka JSL Oo Sheegay In Aanay Doorashooyinku Ku Qabsoomay Wakhtigii Loo Asteeyay Iyo Guddoomiyaha Guurtida Oo Ka Hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Komishanka doorashooyinka qaran ayaa waxa ay maanta kulan albaabadu u xidhan yahay la yeesheen golaha guurtida Somaliland oo dhawaan warqad yeedhmo ah u diray.


Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa warbaahinta la hadlay markii kulankaasi soo dhammaaday waxaanu si cad u sheegay in komishanka doorashooyinku ay u sheegeen in aan doorashooyinka ku qabsoomaynin wakhtigii loo asteeyay.


Dhan kale guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cabdiqaadir Iiman oo isaguna warbaahinta la hadlay markii uu soo dhammaaday kulan ay la yeesheen golaha guurtida ayaa waxa uu sheegay in doorashooyinku ay ku qabsoomayaan wakhtigooda.


Goor-dhaw la soco muuqaalka warkan

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this