Sign in to follow this  
Deeq A.

Indho-Qarshe oo fariin u diray ciidanka Xoogga dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Sarreeye Gaas Daahir Adan Cilmi ( Indho-Qarshe) oo saraakiisha Xooga dalka Soomaaliyeed kula hadlayay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa cod dheer ku sheegay in madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay tirakoobka Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed , si loogu qorsheeyo, xarumo , agab milatary iyo miisaaniyad ku filan oo ay ku dar dar geliyaan waajibaadkooda.

Sidaas daraadeed ayuu xusay taliyuhu in looga baahan yahay Ciidamada mlatariga Soomaaliyeed in ay ku sugnaadaan deegaanada loo igmaday , halkaasna lagu soo diiwaan galin doono.

Waxaana uu ka digay Sarreeye Gaas Indho-Qarshe in Askarigii cudur daar la’aan laga waayo meeshii loogu tala galay , uu weyn karo xubinimadiisa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale taliye Indho-Qarshe ayaa hoosta ka xariiqay in haddii aan la helin talis iyo Ciidan nidaamsan aysan guuleysan karin dowladda Soomaaliyeed , sidaas aawgeed ay lagama maarmaan tahay in qof kasta uu ka soo dhalaalo masuuliyaddiisa.

Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa maalmihii dambe waday dib u habeyn ballaaran oo lagu sameynayo dhammaanka ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this