Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo sheegay in QABYAALADDA ay caqabad ku tahay ciidamada ay u tababaraan DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Mareykanka ayaa tababar kala duwan siisa ciidamada xooga dalka, waxaana si gaar ah Mareykanka uu tababar gaar ah u siiyaa ciidamada DANAB oo ah kuwo Kumaandoos ah.

Kulan dhexmaray safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha dalka, taliyaha ciidamada xoogga Soomaaliya iyo taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa oo ka dhacay magaalada Muqdisho waxay kaga hadleen kordhinta ciidamada Kumandooska dowladda Soomaaliya.

Generaal Thomas Waldhauser oo ah taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in ciidamada DANAB la gaarsiin doono 3,000 oo askari, kuwaasi oo fulin doono weerarada gaarka ah ee ka dhanka ah Al Shabaab.

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa, ayaa sheegay in ciidamada DANAB ee kumaandooska ah logu bogay sida dhaqsiyaha badan ee ay kaga jawaabaan weerarada ka dhanka ah Al Shabaab.

Dhinaca kale Afhayeenka Ciidanka AFRICOM, Karl Wiest, ayaa sheegay in caqabada ugu weyn ee Mareykanka ka heysta tababarka ciidankaas ay tahay qabyaaladda.

“Ciidanka ka soo jeeda Jubaland ee aad u tababartay dagaalka Al-shabaab, howlgal kama fulin karaan Puntland, qabyaalad darteed,waxaa loo arkayaa kuwo banaanka ka yimid”ayuu yiri Afhayeenka.

Walow aan la shaacin tirada ay hadda yihiin ciidamada DANAB haddana waxaa la isla gartay in la gaarsiiyo ku dhawaad seddex kun oo askari, kuwaasi oo tababar gaar ah ka heli doono Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this