Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo gudaha u galay Xarun ay dagan yihiin laba wasaaradood

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa gudaha u galay Xarun ay dagan yihiin laba wasaaradood oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Sida aan Wararka ku helnay qaraxa koobaad ayaa lagu weeraray xarunta Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha dowlada Soomaaliya oo kutaala degmada Shangaani una dhaw Isgooska Jubba.

Rasaas ayaana laga maqlayaa halka ay qaraxyadu ka dhaceen, lamana oga wali in rasaastaasi ay tahay mid la is dhaafsanayo iyo mid kale.

Qaraxa labaad ee goobta ka dhacay ayaa loo maleenayaa in uu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa isna laga soo buuxiyay oo ku qarxay meel aan ka fogeyn halka qaraxuu hore uu ka dhaca.

Qaraxa kaddib ayaa la sheegay in rag hubeysan ay gudaha u galeen xarunta, isla markaana la maqlayo rasaas culus.

Wararka ayaa intaa ku daraya in rasaasta ay gudaha Wasaaradda ka socoto, waxaana la maqlay qarax labaad.

Dhismaha la weeraray ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa waxay isla degan yihiin Wasaaradda Howlaha Guud.

Waxaa la soo sheegayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay qaraxyada.

La soco wixii soo kordha

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this