Deeq A. Posted March 23, 2019 Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ay ciidanka ammaanka ka sameeyeen magaalada Muqdisho 21-kii bishan ku qabteen sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab. Warbaahinta dowladda ayaa lagu shaaciyey in sarkaalkan uu Al-shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan islaamarkaana ka tirsanaa Amniyaatka Al-shabaab, Waxaa hadda lagu hayaa mid ka mid ah xarumaha baarista dowladda federaalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Lama shaacin magaca sarkaalkan, sidoo kalena warbaahinta looma soo bandhigin muuqiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites