Deeq A. Posted March 23, 2019 Muqdisho (SMN) – Howlgal qorshaysan oo ka dhacay Muqdisho 21-kii Bishan ayay Ciidamada Amniga ku soo xireen sarkaal ka tirsan Xarakada Al Shabaab. War ka soo baxay DFS ayaa lagu sheegay in sarkaalkani Al Shabaab uu u qaabilsanaa dhanka amniyaatka, gaar ahaan Khaarijnta. Sidoo kale saraakiisha dhanka amniga ayaa sheegay in ninkani uu ka dambeeyay abaabulka iyo hugaaminta Dilal badan oo loo gaystay M/Muqdisho. Waa hawlgalkii saddexaad oo todobaadkan gudihiisa lagu so qabto xubno ka tirsan Al Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites