Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye Indha-Qarshe oo ku dhawaaqay hadal xanaf leh oo sii kicin kara ciidamadii Gadoodka sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha ciidamada xooga dalka Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa ka hadlay gadoodkii ugu dambeeyay ee ay sameeyeen ciidamada xooga dalka ee ku sugan Shabeelaha dhexe iyo Shabeelaha Hoose.

Taliye Indhaqarshe ayaa shaaciyay in ciidamada xooga dalka ay u baahan yihiin xerooyin iyo xuquuqda ay leeyihiin balse ay ka hor taagan yihiin xubno saraakiil ah iyo kuwo uu sheegay inay hanaan qabiil u abaabulan yihiin.

Sidoo kale taliyaha ciidamada xooga dalka ayaa sheegay in go’aanka dowladda Soomaaliya qaadatay uu yahay mid wanaagsan oo lagu hagaajinayo ciidamada saxda ah ee dalka uu leeyahay.

Wuxuu tilmaamay in ciidamada ay ka hari doonaan ama aysan kasii mid ahaan doonin kuwa uu sheegay inaysan daacad u aheyn dalka iyo kuwii mudaaharaadyada sameeyay, sida uu hadalka u dhigay.

“Mustaqbalka ciidanka ayaan u soconaa, dowladda waxay u socotaa mustaqbalka ciidanka, aad ayaana ugu amaanayaa go’aanka ay qaadatay dowladda, waxaan hubaa inta mudaaharaadeyso inay lumi doonaan, waxaana hubaa kan aan damiirka laheyn, tuuganimada dilootay, waxaan hubaa inuu ka hari doono ciidamada”.

“Ciidanka wuxuu u baahan yahay xero in loo sameeyo, ciidanka wuxuu u baahan yahay inay helaan tababar wanaagsan, waana hubaa inay ciidanka ku hari doonaan saraakiisha dalka iyo dadka u damqanaya”.Ayuu yiri Indhaqarshe.

Hadalkiisa ayaa keeni kara inay ka caroodaan ciidamada kale ee ku jira farumaha dagaalka, maadama horey ciidamadii gadoodka sameeyay ay ka caroodeen hadal uu jeediyay ra’iisul wasaaraha dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this