Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkadda Diyaaradaha Indonesia Oo Joojisay Iibsiga Boeing 737.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Indonesia)Shirkadda diyaaradaha Garuda ee qaranka Indonesi ayaa doonaysa in ay ka laabato heshiis ay balaayiin doolar ku baxayso oo ay ku soo gadanaysay 49 diyaaradood oo noocoodu yahay Boeing 737 Max 8, ka dib markii ay burbureen labo diyaaradood oo noocaas ah.

F7320501-D8BD-4B7E-94E4-9D1CBD2C7554.jpe

Tallaabadan ayaa loo arkaa in ay tahay middii koobaad ee lagu baajinayo dalabka diyaaradda nooceedu yahay Boeing 737 Max 8.

Afhayeen u hadlay shirkadda diyaaradaha ee Garuda ayaa sheegay in rakaabku ay ka ammaan baxeen nooca diyaaraddan.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo baareyaashu ay wadaan dadaal ay ku ogaanayaan waxa sababay diyaaraddii u dambaysay ee burburtay ee nooceedu ahaa 737 Max 8 taas oo ay ku dhinteen 157 ruux.

Burburkaas ayaa ahaa kii labaad ee diyaaradaas nooceeda ah ee dhaca muddo shan bilood gudahood ah, waxaana kii hore ku naf waayay 189 ruux.

“Waraaq ayaan u dirnay Boeing anaga oo codsanayna in la joojiyo dalabkoodii kale ee diyaaradda Boeing 737 Max 8.” Sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Ikhsan Rosan oo ah afhayeen u hadlay diyaaradda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this