Deeq A. Posted March 22, 2019 (SLT-)Warshad kiimiko oo ku qaraxday dalka Shiinaha ayaa dishay ugu yaraan 44 ruux, waxaana ku dhaawacmay 90 ruux oo kale, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda. Qaraxa ayaa ka dhacay shirkadda kiimikada samaysa ee Tianjiayi oo ku taalla magaalada Yancheng ee dalka Shiinaha. Qaraxan ayaa dabo socday dab ka kacay warshadan oo samaysa waxyaabaha bacriminta loo adeegsado. Waaxda dhulgariirka qaabilsan ee dalka Shiinaha ayaa ku warrantay in dhulku uu gariiray 2.2 marka uu qaraxu dhacay. Sawirro baraha bulshada la soo dhigay ayaa muujiyay goobta qaraxday iyo qiiq hawada isku shareeray, dad dhaawac ah iyo dhismayaal ay waxyeello soo gaartay. Source Share this post Link to post Share on other sites