Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo ku baaqay in Israel loo aqoonsado dhul aysan laheyn oo ay xoog ku qabsatay+Fariin uu soo dhigay Batiisa Twitter-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

trumpkhudbo.jpg?resize=690%2C450

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in la gaadhay wakhtigii Maraykanku uu aqoonsan lahaa in Israa’iil ay u madaxbannaantahay buuraha Golan Heights, kuwaas oo Israa’iil ay ka qabsatay Suuriya dagaalkii lixda maalmood socday ee 1967-dii.

Ra’iisulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu taariikh sameeyay.

Mr. Trump ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray qoraal uu ku taageerayo falkan, waxaana uu ku yidhi:

” – Waxaa la gaadhay 52 sano kadib xilligii dowladda Mareykanka ay si buuxda ugu aqoonsan laheyn in buuraha Golan Heights ay qeyb ka yihiin dhulka Israel”.

Dhulkan ayaa qeyb ka ahaa dalka Suuriya, balse waxaa xoog ku qabsatay Israel oo xilligaas taageero ka heshay Mareykanka, Ingriiska iyo dowlado kale.

Horay ayaa waxaa uu madaxweyne Donald Trump ugu aqoonsaday magaalada Jerusalem caasimadda Israel iyadoo la wada ogyahay in ay xoog uga qabsatay dadka falastiiniyiinta ah.

kUuht00m_normal.jpg

Donald J. Trump

✔@realDonaldTrump

After 52 years it is time for the United States to fully recognize Israel’s Sovereignty over the Golan Heights, which is of critical strategic and security importance to the State of Israel and Regional Stability!

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this