Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya Oo Shir Uga Qeyb Gashay Dalka Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Istanbul (SMN)- Shirkan oo ahaa mid xasaasiya ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan wasiiro arrimo dibadeedyada wadamada xubinta ka ah ururka iskaashiga islaamka ayaa ka dhacay magalaada Istanbul ee dalka Turkiga.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wafdi la socday ayaa ka qeyb galay shirka ka furmay magaalada Istanbul oo looga hadlay falalka islaam naceybka,oo ay ugu danbeysay weerarkii todobaad ka hor ka dhacay dalka Newzealand.

Wasiir Cawad iyo dhamaan wasiiro arimmo dibadeedyada kale shirka ka soo qeyb galay ayaa soo bandhigay dareenkooda ku aadan weerarkii Jimcadii la soo dhaafay lagu dilay ku dhawaad 50 ruux oo muslimiin ah oo ku guda jiray salaadda Jimcaha.

Madaxweynaha dalka Turkiga oo kamid ahaa mas’uuliyiinti ka qeyb gashay shirka ayaa qudbad uu jeediyay uga hadlay sida shacabka dalkiisa uga xumaadeen weerarkii dalka Newzealand,isagoo sidoo kale uga mahad celiyaya dowladda dalkaasi sida ay u garab istaagtay xanuunkana ula qeybsatay muslimiinta dalkaasi.

Dhankiisa xoghayaha guud ee ururka iskaashiga islaamka Yuusuf Al-Othaimeen ayaa caalamka ugu baaqay in tilaabooyin rasmi ah laga qaado naceybka iyo tacadiyada ay la kulmaan dadka muslimiinta ah.

Ugu danbeyntii ra’iisal wasaar ku xigeenka dalka Newzealand iyo wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi oo shirka qudbado ka jeediyay ayaa shaaciyay in baaritaankii ugu balaarnaa uu ka bilawday dalkaasi Newzealand,si cadaaladda loo horkeeno qof kasta oo gacan ka geystay weerarkii muslimiinta lagu dilay todobaad ka hor.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this