Deeq A. Posted March 22, 2019 Muqdisho (SMN)- Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal qasaaro geystay oo maanta ka dhacay degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose. Sida ay sheegeen dadka deegaanka dagaalka ayaa dhexmaray ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya oo isku maan dhaafay gudaha degmada Marko,kadibna ay rasaas ka bilabatay degmadaasi. Ciidanka kawada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa dagaalamay kadib markii ay isku maan dhaafeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ay soo qabteen,base ay ku murmeen halka la geynayo xubnahaasi. Qaar kamid ah ciidamada ayaa sheegay in xubnaha ka tirsan Al-shabaab ay soo qabteen loo dhiibo ha’ayadaha sirdoonka,si loogu sameeyo baaritaan dheer oo ku aadan soo qabashadooda. Halka qaar kale oo kamid ah ciidamada ay arintaasi ay aad uga soo horjeesteen,taas oo keentay in ay ku dagaalamaan gudaha degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose. Inta la xaqiijiyay laba askari ayaa ku geeriyooday dagaalkaasi,halka mid kal uu dhaawac ka soo gaaray. Maamulka degmada Marko iyo gobolka Shabeelaha Hoose ayaan wali ka hadlin is rasaaseynta halkaasi ku dhex martay ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites