Deeq A. Posted March 22, 2019 Tokyo (SMN)- Dowladda Japan ayaa lacag gaareysa 69 Milyan oo dollar ugu deeqday wadamo ay ka mid tahay Somaliya sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka baxay dalkaasi. Barnaamijka cuntada qaramada midoobay ee WFP ayaa sheegay in lacagtaasi loogu talay galay in gargaar deg deg ah lagu gaarsiiyo 28 dal oo ku yaala bariga,asia iyo Africa. Qaramada midoobay ayaa xustay in 18 Milyan oo dollar oo ka mid ah lacagtaasi lagu caawin doono 20 milyan oo ruux oo ku dhibaateysan dalka yemen. Sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda WFP ayaa sheegay in dowladda Japan ay qeyb ka tahay dalalka sida ugu badan ee dadka u baahan gargaarka deg deg ah ee ku nool wadamada ay ka jiraan colaadaha iyo abaaraha. 2 Milyan oo dollar oo ka mid ah lacagahahaasi oo Japan ugu deeqday qaramada midoobay ayaa lagu in gargaar lagu gaarsiiyo dadka dhibaatooyin bani,aadinimo ay ku haysto somaliya View the full article Share this post Link to post Share on other sites