Deeq A. Posted March 22, 2019 Cadaado (SMN)- Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay inay Wadaan qorsho balaaran oo ku aadan hananka loo marayo doorasho ay filayaan in dhawaan ka qabsoonto Galmudug. Cali Gacal Casir waxa uu tilmaamay in shacabka ku dhaqan deegaanada uu ka arimiyo maamulkaasi,waxa ay doonayaan ay tahay sida uu hadalka u dhigay in dib loogu Celiyo Maamul wanaagii ay barteen Sidaas aawgeedana la doonayo in doorasho xaq ah ka dhacdo Galmudug. Sidoo kale gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ka so horjeystay hadal dhawaan ka soo yeray xubnaha taabacsan madaxweyne Xaaf ee kusugan Magalada Dhusamareeb oo ku aadan in dib loo dhigayo doorashooyinka Maamulkaasi. Madaxa xukuumadda maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa 16-kii bishaan sheegay in Galmudug sanadkaan ka dhici doonin doorasho, balse ay dhici doonto doorashada maamulkaasi saddex sano kadib. View the full article Share this post Link to post Share on other sites