Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS Oo Sheegtay In Si Degdeg Ah Loo Xalinayo Cabashada Ciidanka Xooga Dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN)- Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Xasan Cali Amar Danbe ayaa ka hadlay arrimo la xiriirka cabashada ciidamada ee ku aadan in aysan helin xuquuqdooda mushaar.

Wasiir Amar Danbe ayaa sheegaya in dowladda ay wado dedaalo xoogan oo ku aadan diwaan galinta ciidanka,si loo ogaado tirade rasmiga ah ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeeed,si lamid ah ciidamada aduunka.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in inta ay ku jiraan howlahaasi diwaan galinta ay dhici karaan qaladaad ka imaan kara aaladaha tirakoobka,taasina ay ka dhalan karto in ciidamada aan la helin diwaankooda ay waayaan xuquuqdooda mushaar,sidaas darteedna ay wasaaradda gaashaandhiga dedaal badan arintaasi ku bixin doonto.

Hadalka wasiirka wasaaradda gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya ayaa imaanaya xili maalmo ka hor qaar kamid ah ciidamada xooga dalka ay baneeyeen fariisamo ay ku lahaayeen gobolada Sh/dhexe iyo Sh/hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this