Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka gaashaandhiga oo shaaciyay hanaanka lagu xalinayo gadoodka ciidanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Oniine) – Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxaamed (Amar dambe) oo saxaafadda la hadlay ayaa sharaxaad dheeraad ah kabixiyay qaabka loo xalin karo xiisadda ka dhalatay gadoodka ay sameynayaan ciidamada xooga dalka.

Wasiir Amar Dambe ayaa sheegay in ciidamada xooga dalka ay xaq u leeyihiin inay muujiyaan cabashadooda la xiriirta xuquuqda ay leeyihiin, isaga oo sheegay inay jiraan hanaan ciidamada ay ku muujin karaan tabashadooda.

Wuxuu sheegay in arintaasi lagu xalin karo in taliyaasha kala duwan ee ciidamada sida taliyaha guutada, Hurinta iyo taliska guud ee ciidamada si dhab ah usoo gudbiyaan cabashooyinka ciidamada ay qabaan.

“Marnaba raali kama noqonayo in la dulmo shaqsi ka tirsan ciidamada xooga dalka, ciidamadana waxaa laga doonayaa inay dhowraan nidaamka u degsan dowladda, qofka tabasho wuu muujin karaan, balse meeshiisa inuu ku muujiyo waaye”

“Ciidanku Wuxuu leeyahay taliyaal xalin kara tabashadooda, waxaa wanaagsan isla meesha ay joogaan ku muujiyaan tabashada ay qabaan, waxaan u baahanahay in qoraal lagu soo gudbiyo tabashada ciidamada anagana waan ka shaqeyneynaa”

“Ciidamadeena qaranka waxaan u sheegeynaa in wax walbaa oo aan awoodnaa inaan idinka hagran doonin, waxii cabasho ah hala soo marsiiyo dhamaan hanaanka saxda ah ee loogu talo galay, ciidamadeena dhiigooda ayay qaranka u hurayaan”ayuu yiri Wasiir amar dambe.

Si kastaba, wali ma muuqato xal rasmi ah oo laga gaaray gadoodka ay sameeyeen Ciidamadii isaga soo baxay difaacyadoodii Mahadaay, Buurane, Qalimow iyo Garsaale ee duleedka magaalada Jowhar, Waxaana Muqdisho ku soo laabtay wafdigii madaxweyne Farmaajo uu u diray Sh.Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this