Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada BFS ee dalka ka maqan oo fariin loo diray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Gudoonka Gollaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa fariin u diray Xildhibaanada ka tirsan golahaasi ee dalka ka maqan.

Xoghayaha Aqalka Hoose, C/kariin Xaaji Cabdi [Buux] ayaa sheegay in mudanayaasha looga baahan in ay wadanka kusoo laabtan kahor 27-da bishaan.

27-da bishaan ayaa lagu wadaa in uu furmo kal-fadhiga 5aad ee Gollaha Wakiilada rayidka, kaasi oo socon doona muddo afar bilood ah.

“Waxaa na hortaala shaqooyinka badan, marka xildhibaanada ka tirsan gollaha ee wadanka ka maqan waa in ay dalka si deg deg  ah ugu soo laabtaan,” ayuu yiri.

Hadalkaan ayuu Mr Buux u sheegay kadib markii shalay ay ku kulmeen magaalada Muqdisho Guddiga joogada ah ee Gollahaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this