Deeq A. Posted March 22, 2019 Muqdisho (SMN) – Talis-yadda Booliska iyo Nabad Sugida Soomaaliya ayaa kulan looga hadlay amniga la yeeshay gudoomiyeyaasha degmooyinka magaalada Muqdisho. Kulankaasi waxaa kasoo muuqday ku simaha agaasimaha NISA, Fahad Yaasiin, sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo. Fahad ayaa la sheegay in uu diiday in muuqaalo iyo sawirro laga qaado inta uu socday kulankaasi oo lagu falanqeeyay qaabka loo sugi karo amaanka caasimada. Gudoomiyeyaasha ayaa la tilmaamay in la faray in ay doorkooda ku aadan xasilinta magaalada ay qaataan. Shirkaan ayaa kusoo aadaya iyada oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen caasimada dalka falal liddiga ku ah nabad-gelyadda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites