Deeq A. Posted March 22, 2019 Istanbul (SMN) – Ururka Iskaashiga Islaam-ka ayaa maanta kulan kaga yeelanaya magaalada Istanbul ee Turkiga dhacdadii New Zealand. Kulankaasi oo ay kasoo qaybgalayaan wasiir arrima dibadeedyda dalalka ku midoobay ururkaasi ayaa diirada lagu saarayaa ka hortega Islaam naceybka. Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada lagu xasuumay shirkaasi oo sidoo kale looga hadli doono sidii xal loogu heli lahaa xadgudubyada ka dhanka ah Muslimiinta. Wasiirka arrimaha dibadda New Zealand, Winston Peters oo shirkaasi deg deg ah lagu casuumay ayaa sidoo kale la filayaa in uu kasoo muuqdo. Dhacdadii magaaladda Christchurch ee lagu beegsaday labo masjid oo halkaasi ku taala ayaa lagu dilay 50 Muslimiin ah kuwaasi oo 3 Soomali ah ay ku jireen. View the full article Share this post Link to post Share on other sites