Deeq A. Posted March 22, 2019 Baydhabo (SMN) – Ciidamada amaanka ee Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe howlgalo la sameeyay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur Galbeed. Saraakiisha ayaa sheegay in ujeedka howlgaladaasi ay ahaayeen sidii loo sugi lahaa nabad-gelyada, loona hortegi lahaa falalka liddiga ku ah. Ma cadda hadii xoogaga dowlada ay howlgaladaasi kusoo qabqabteen rag lagu tuhamyo in ay ka shaqeynayeen ficilada khal-khal gelinaya amniga. Amaanka caasimad goboleedka Baay ayaa mudooyinkii dambe ahaa mid soo hagaagayey, mana laga soo warin wax dil ama qaraxyo ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites