Deeq A. Posted March 22, 2019 Muqdisho (SMN) – Dowladda Talyaaniga ayaa hal milyan oo Yuuroo ugu deeqday sanduuqa dhaqaalaha ee Soomaaliya. Lacagtaan ayaa loogu talagalay in lagu kabo dhaqaalaha wadanka si wax loogu qabto adeegyada muhiimka ah. Meelaha kale ee lacagtaan ay ku bixin doonto ayaa la sheegay in ay kamid tahay amniga, kaabayaasha dhaqaalaha, horumarka iyo dowlad dhisidda. Talyaaniga ayaa kamid ah wadamada sida joogtada ah kaalmada maaliyadeed ugu fadiya dalka oo kasoo kabanaya burburka dowladnimo. Taageeradaan cusub oo noqoneysa tii saddexaad ayaa wadar ahaan lacagta uu Talyaaniga ugu yahoobay Soomaaliya waxay gaareysaa 3.5 milyan oo Yuuroo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites