Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Salaad Derbi oo loo heesto lacag ay dowladda Somalia ku dejisay hotel

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Fanaanka wayn ee Salaad Maxamed Shardi oo loo yaqaano Salaad Darbi ayaa la sheegay in loo heesto lacag ay dowladda Soomaaliya ku dejisay hotel ku yaalla magaalada Muqdisho.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay fanaanka dejisay hotel, islamarkaana aysan ka bixin lacagta jiifka iyo cuntada tan iyo markii uu soo dagay hotelka.

Salaad Darbi oo aan la xariirnay ayaa wali noo suurta gelin ,balse warkaan waxaa noo xaqiijiyay fanaaniin kale oo ka tirsan Hoballada Qaranka ee Waabari.

Arintaan ayaa ah fadeexad iyo ceeb wayn oo ay wajahayso Dowladda Soomaaliya waxaana la filayaa in fanaanka uu iska bixiyo lacagta ay ku soo dalacayn maamulka Hotelka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this