Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Galmudug oo ka Jawaabay hadalkii wasiirka arrimaha gudaha DF (Dhageyso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Maamulka Galmudug ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ee ahaa in doorashada Galmudug ay ku dhaceyso waqtigii lagu balamay.

Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Galmudug Axmed Shire Maxamed oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in hadalka wasiirka uu yahay mid la doonayo in lagu burburiyo maamulka Galmudug ee hadda dhisan.

Wuxuu sheegay inaysan diidaneyn doorasho ka dhacdo deegaanada Galmudug, balse doorashada ay dhaceyso marka uu dhamaado waqtiga Baarlamaanka Galmudug ay doorteen madaxweyne Xaaf.

Madaxweyne Xaaf iyo Sheekh Shaakir ayaa dhawaan waxa ay sheegeen in Galmudug ka dhaceyn wax doorasho ah, isla markaana Madaxda Galmudug uu waqtigooda ku egyahay sanadka 2021 halka Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in Bisha July ee sanadkaan doorasho la qabanayo.

Wasiirka u hadlay Galmudug ayaa sheegay in madaxweyne Xaaf uu xilka hayo hal sano oo kaliya sida horey loogu heshiiyay, islamarkaana ay u hartay muddo seddex sano ah.

Maamulka Galmudug ayaa tan iyo markii la dhisay waxaa uusan laheyn sal fadhiya, iyada oo ay soo mareen laba Madaxweyne sida Cabdi Kariin Xuseen Guuleed uu xilka iska casilay halka  Madaxweyne Xaaf uu wajahaya khilaaf dhinaca dowladda kala dhaxeeya.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/cod-1-galmuudg-.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this