Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiliga uu furmayo kal-fadhiga 5aad ee BFS oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulmay ayaa waxaa guddoominayay Afhayeenka Gollahaasi, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Hoose, Cabdi wali Sheekh Ibraahim Muudey, habdhowraha golaha shacabka iyo xoghayaha golaha ayaa ka qaybgalay fadhigaasi.

Xubnaha Guddiga joogtada ah ayaa ka hadlay waqtiga uu furmayo kal-fadhiga 5ad ee golaha shacabka.

27-ka bishaan Maarso oo ku beegan maalinta Arbacada ah ee todobaadka soo aadan ayaa loo asteeyay in uu si rasmi ah u furmi doono kal-fadhiga 5aad ee Gollaha Shacabka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this