Sign in to follow this  
Deeq A.

Maqaayad Muqdisho ku taal oo laga helay meyd dharkiisa lagu aasay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maqaayad ku taalla degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, ayaa lagu arkay qof meyd  ah oo u muuqday in lagu dilay halkaas kadibna lagu aasay dharkeedii,  si aan loo arag, waxaana dhacdadaan ay la yaab ku noqotay dadka deegaanka.

Haweeney ku ganacsata maaqaayadda lagu arkay meydkaan, oo la hadashay idaacadda Dalsan, ayaa sheegtay in iyada oo xaaqaysa qeyb ka mid ah goobteeda ganacsi ay argtay xubno bani’aadam kadibna ay ku wargelisay maamulka iyo dadkii ka ag dhawaa.

Sida laga dheehan karay meydkaan looma asturin sidii loogu talagalay waxaana lagu duugay dharkiisii, dhowr sano ka hor iyada oo aan loo qodin khabri, dadka deegaanka ayaana dib u karfanay una aasay.

Cabdullaahi Maxamed Xuseen oo ka mid ah maamulka degmada Cabdicasiis ayaa sheegay in goobta ay gaareen markii lagu soo wargeliyay arrintaa kadibna ay la wadaageen hay’adaha amniga.

Dhinaca kalana, waxa uu tilmaamay in meydkaan qiyastii la aasay xiligii ay dagaalada ka socdeen magaalada Muqdisho, 10-sano ka hor, isaga oo ugu dambayntii sheegay in shacabka iyo maamulka degmada oo iskaashanaya ay soo aruuriyeen lafaha qofkaan dibna loo karfanay lana aasay.

Halkaan ka dhageyso codka

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Haraaga-Lafo-Bini-aadan-oo-laga-helay-Biibito-ama-Maqaaxi-lagu-shaaho-oo-kuta....mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this