Sign in to follow this  
Deeq A.

Wariyaasha Idaacadda CQS oo gadooday kadibna hawada ka saaray idaacada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in shalay iyo maanta ay hawada ka maqantahay Idaacadda Ciidamada Qalabka Side ee hoostagta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya kadib markii ay soo wajahday mushaar la’aan iyo garaam la’aan sida ay noo xaqiijiyeen xubno katirsan Radio SNA.

Idaacadaan oo aan markii horaba laga maqlin xaafado badan kadib markii uu gubtay qayb kamid ah qalabkeeda ayaa maalmahaan waxaa isa soo tarayay cabashada ay qabaan wariyaasha ka shaqeeya kuwaas oo qiray in aysan mushaar iyo garaam midna helin 4tii bil ee la soo dhaafay.

Maalmo ka hor markii aan baahinay in Idaacadda ay wajahayso dhibaatooyin daran kadibna ay naga sii qaatayn qoraalkayna Idaacadaha qaar ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa Wariyaasha Radio SNA la kulmay Taliyaha Ciidamada Milateriga Soomaaliya General Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe), Ammaan-duulaha CQS Gen Odawaa Yuusuf Raage, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga dalka C/llaahi Colaad Rooble iyo Saraakiil katirsan Villa Somalia waxaana loo sheegay in maalmo kadib ay heli doonaan mushaarkooda iyo daryeelkii ay u baahnaayeen.

“Balanqaadkii xubnahaas kadib waxba ma arkin laakiin wali waxbaa ka dhiman waqtigii ay qabsadeen, balse shalay ayaa Idaacadda daminay” ayuu Caasimada Online u sheegay Wariye katirsan Radio SNA ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

“Wariyaasha waxay isku raacayn in Idaacadda la damiyo waayo waxaa nagala saaray guryihii aan daganeen, sidoo kale waxaan weynay raashin aan cuno, hadii aan lacag lagu siinin, mushaarna lagu siinin, guriga waalidkaana aadnan aadi karin, maxaa lagu noolaanayaa” ayuu wariyahaas codsaday inaan la magacaabin u sheegay Caasimada Online.

Dowladda Soomaaliya ayaa wajahaysa ceeb iyo fadeexad ka dhalatay mushaar la’aanta Ciidamada DF-ka Soomaaliya waxaana laga cabsi qabaa in dalka uu galo xaalad Qatar ah hadii aysan Xukuumadda sameynin isbadal deg deg ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this