Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Farmaajo iyo Kheyre oo dejiyey qorshe ka dhan ah taliyayaasha ciidamada gadooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in xalay kulan dheer ay madaxtooyada k uwada qaateen Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre, kaas oo looga hadlay ciidamada dowladda ee ka gadooday mushaar la’aanta.

Kulanka oo saacado badan qaatay waxaa diiradda lagu saaray qorshe lagu baddalayo Taliyeyasha ciidamada dowladda ee Shabeellaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose, kuwaa oo hormuud u ahaa gadoodka ay sameeyeen ciidamadooda oo mushahar la’aan ka cabanayay muddo ku dhow 5 bil ah.

Ciidamada ayaa ka soo kala baxay furumaha dagaal ee dhaca inta u dhaxeysa Muqdisho iyo magaalada Marka oo gobolka Shabeellaha Hoose ah. Sidoo kale ciidamadii ugu dambeeyay ayaa iyagana ka soo haayaamay deegaano dhowr oo ka tirsan gobalka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamadan oo wafdi wasiiro iyo xildhibaano isugu jira loo diray si loogu qanciyo iney ku laabtaan saldhigyadii ay ka soo baxeen ayaa diiday, kuwaa oo raali gelin ka dalbanaya Ra’isul Wasaare Kheyre oo sheegay in ciidamada dhamaan ay mushaar qaateen waxaa kaloo ay dalbadeen in la siiyo dhamaan lacagaha Afartii bil ee mushaar la’aanta ahaayeen.

Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay inay isla garteen in xilka laga qaado Taliyeyasha ciidamada dowladda ee gadooday kuwaa oo u badan ciidamada beelahoodu dagaan Gobalka Banaadir iyo Labada Shabelle.

Xogo kale oo muhiim ah ayaa xaqiijinaya in xilalkaasi loo magacaabi doono shaqisyaad aad ugu dhaw Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha kuwaa oo eegaya kaliya danaha, amarada Villa Somalia waxaana la xaqiijiyay ineysan aheyn beelaha daga Labada Shabeelle iyo Gobalka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this