Deeq A. Posted March 21, 2019 Muqdisho (SMN)- Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo lala beegsaday ciidamo Kenyan ah iyo kuwa maamulka Jubbaland,kuwaas oo ka dhacay duleedka deegaan ka tirsan gobolka Gedo oo lagu magacaabo Buusaar. Ciidamada qaraxa lala beegsaday ayaa maalin ka hor isaga baxay deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo. Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxyadaasi,iyagoona sheegay in ay ku dhaawaceen afar askari oo Kenyati ah sidoo kalana ay dhaawaceen lix askari oo ciidamada Jubbaland ah. Al-shabaab ayaa sidoo kale waxay sheegeen in askarta ay ka dhaawaceen ciidamada Jubbaland uu ku jiro taliyihii ciidamada maamulkaasi ee deegaanka Buusaar. Ma jirto faahfaahin ka soo baxday saraakiisha ciidanka maamulka Jubbaland iyo kuwa Kenya oo ku aadan qaraxyada lala beegsaday ciidamadooda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites