Sign in to follow this  
Deeq A.

QM Iyo Midowga Yurub Oo Mashaariic Horumarineed Ka Bilaabay Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (SMN)- Wafdi ka socda ururka Midowga Yurub iyo ururka cuntada iyo beeraha Qaramada Midoobay ee FAO ayaa deegaan ka tirsan maamulka Puntland ka bilaabay mashruuca dhinaca waraabka ah.

Mushruucaasi ayaa ujeedkisa  lagu sheegay sidii loo heli lahaa waraab looga faa,iideysto dhulalka la beeri karo ee ku yaalla deegaanadaasi.

Saraakiisha ka soctay Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dhinaca biyaha uu wax badan ka qaban karo dhibaatooyin dhinaca biya yarida ee ay keeneen abaaraha soo noqnoqday ee Soomaaliya.

Mr Fulgencio Garrido oo ka socday Midowga Yurub ayaa xusay in helitaanka warbixinada la xiriira dhinaca biyaha ay muhiim u tahay dhul miyiga ah ee ku yaala Soomaaliya

Waxaana uu intaasi ku daray in dad badan oo isagu jiro xoolo dhaqato iyo beeraley ay ka faa’iideysan doonaan mushruucaasi oo ay ku bixi doonta lacag gaareysa 3.2 milyan oo Euro.

Maamulka puntland ayaa si weyn u soo dhaaweyey qorshaha Midowga Yurub ee lagu balaarinayo dhinaca helitaanka biyaha ee deeganada maamulkaasi.

Sannadihii la soo dhaafay waxaa Soomaaliya saameyn xoogan ku yeeshay abaaro oo ay keeneen roobab la filayay oo aan da’in.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this