Deeq A. Posted March 21, 2019 Muqdisho (SMN)- Ismaaciil Macalin Muuse gudoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta qaran idaacadda Shabelle ee Muqdisho ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka in ay ka qeyb qaataan dib u heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka xeraale ee g/ galgadud. Gudoomiyaha ayaa sheegay in faa’ido uusan laheyn dagaalka qabaailka,sidaas darteedna loo baahanyahay in laga gaaro xak waara,kaalintaasina looga baahanyahay odayaasha dhaqanka. Sidoo kale Ismaaciil Macalin Muuse gudoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta qaran ayaa ka hadlay xiisada u dhexeysa beelo wada daga deegaanka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe,wuxuuna ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan xiisadaasi loo joojiyo Dowladda Soomaaliya ayaa wada dedaalo lagu doonayo in lagu joojiyo dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday qeybo kamid ah gobolada dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites