Sign in to follow this  
Deeq A.

Dadka u tartamaya golayaasha degaanka Puntland oo lagu xiray in ay dhaqaale ku filan haystaan

Recommended Posts

Deeq A.   
aa1.png?w=1000&ssl=1Wasiir Dhabancad

Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland ayaa shaacisay, shuruudaha laga doonayo cid kasta oo u sharraxan, xubinnimada golayaasha degaanka degmooyinka Puntland.

Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa lagu soo bandhigay, shuruudo ka kooban 15 qodob oo laga rabo, qofka u tartamaya xildhibaannada golayaasha degaanka Puntland.

Shuruudaha waxa ku xusan; in qofka u tartamaya xubinnimada golaha degaanka, uu dhaqaale ahaan ka maarmi karo hantida dowladda iyo in beelaha 2 xubnood iyo ka badan leh, ay ilaaliyaan qoondada haweenka ee xulista xildhibaannada degaanka.

2019321636887494850916375PHOTO-2019-03-2 2019321636887495105178129PHOTO-2019-03-2

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Dadka u tartamaya golayaasha degaanka Puntland oo lagu xiray in ay dhaqaale ku filan haystaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this