Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Maareeye oo ay ku soo baxday fadeexad la xiriirta lacag $500,000 ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Istanbul (Caasimadda Online) – Caasimadda Online ayaa heshay xog faahfaahsan oo ku saabsan musuq maasuqii uu Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ka sameeyey shirkii Arrimaha Ganacsiga ee dhawaan ka dhacay dalka Turkiga .

Sida ay Caasimadda Online, wasiir Maareeye ayaa in ka badan 150 qof ka iibsaday si shaqsiyan ah Viisaha dalka Turkiga, isagoo dadkaas u diiwaan geliyey inay ka qeyb galayaan shir ganacsi oo dhawaan ka dhacay  Dalka Turkiga.

Dadkaas ayaa qofkiiba wuxuu wasiirka ka qaatay 5 Kun oo Dollar, sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen qaar kamid ah dadkaas oo Tahriib ugu sii gudbay dalka Gariiga.

Dadka uu Wasiirka ka iibiyey Viisooyinka dalka Turkiga ayaa ahaa dhammaan dad aan shaqo ku laheyn arrimaha Ganacsiga iyo inay shir ku matalaan Soomaaliya, sababta uu wasiirka arrintaan u sameeyey ayaa aheyd inuu ka helo lacago aad u badan.

Wasiirka ayaa celcelis ahaan mashruucaas ka helay lacag kor u dhaaftay Nus Malyan, waxaana la qeybsaday Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya oo qeyb ka ahaa fududeynta howshaan.

Dowladda Turkiga ayaa Wasaaradda Ganacsiga ka joojisay inay hadda kadib wafdi usoo dirto shirarka ganacsi ee dalkaas ka dhaco maadaama 150-kii qof ee dhawaan halkaas la geeyey aysan ka qeybgelin shirka sababtana waxay aheyd dadkaas oo dhammaantood ahaa kuwa rabo inay Wadamada Yurub usii tahriibaan.

Dowladda Turkiga ayaa fahamtay in dadkii loo keenay Turkiga inay ka qeybgalaan shirkii Arrimaha Ganacsiga laga waayey howlka shirka, waxayna baaritaan kadib ogaatay inay dadkaas intooda badan ka gudbeyn Xuduuda Turkiga sida uu Caasimadda Online u sheegay xubin kamid ah Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Debadda ee Dalka Turkiga ayaa dacwad ka dhan ah kiiska Musuq maasuqa ka dhacay Shirkii Ganacsiga ee Turkiga usoo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya, inkastoo ay noo suurtageli weysay inaan helno jawaabtii ay wasaaradda ka bixisay Kiiskaan.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this