Deeq A. Posted March 21, 2019 Waraysi kooban oo aanu saaka la yeelanay gudoomiyaha xisbiga Wadadani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ku sugan dalka Finland ayaa noo sheegay in aad iyo aad u fiicnayhay isla markaasina uu u sii jeedo dalkii oo ay hayayd in uu Jimcihiii ina dhaafay uu ku laabto hase ahaatee uu hada u xidh xidhanyahay sidii uu dalkii ugu laaban lahaa, waxana uu sheegay oo uu carabka ku adkeeyay in Boqolkiiba boqol caafimaad qabo oo uu hawlihiisa qabsado mar walba hadii uu gudaha joogo ama dibadaba. Gudoomiyaha oo aan wax ka waydiinay wararka sheegaaya in xaaladiisa caafimaad ay liidato, hadalkaasi oo ay suuqa aad ugalinayaan xukumadda Kulmiye ee ku fashilantay hagista iyo midayntii shicibka Somaliland ee ay masuulka ka ahaayeen. Dr Cirro oo aad ugu qoslay arintaasi ayaa yidhi horta anigu maan arag meel ay hadalkaasi ku baahiyeen lakiin iyaga iyo kuwo kaleba waxa aan leeyahay arimaha Habaarku kumuu jirin intaas ayaan ugu dhaafayaa. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites