Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: 3 ruux oo lagu dilay gobolka Mudug iyo guddoomiye degmo oo la dhaawacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya degaanka Balli-busle oo hoostaga degmada Jarriiban ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay 3 ruux oo xoola-dhaqataa lagu dilay nawaaxiga tuulada Xaafoodle oo u dhow Balli-busle.

Xubno ka tirsan Ehelada dadka la laayay ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in malayshiyaad hubaysan oo ka soo gudbay dhinaca Galmudug ay saqdii dhexe mireen (hurdada ku dileen) 3-da ruux oo kamid qoysaska reer guuraaga ah ee halkaasi deggan.

Dadka la dilay oo rag ahaa ayaa la xaqiijiyay in dhammaantood ay hal qoys ka soojeedeen islamarkaana midkood uu adeer u ahaa 2-da kale.

Qoyska mashaqada loo geystay ayaa dhowaan ka soo hayaamay dhanka degmada Towfiiq ee isla gobolka Mudug oo ay degaan ahaan ka soo jeedeen.

Dhinaca kale guddoomiyihii degmada Towfiiq ee dowladda Puntland Maxamed Cabdulqaadir Axmed uu gurmad ahaan u soo aaday goobta dhibaatadu ka dhacday ayaa dhaawac ka soo gaaray rasaas gaarigiisa haleeshay.

Rasaasta ayaa la sheegay in ay rideen dad reer guuraya oo ka shakiyay gaariga guddoomiyaha xilli uu ku socday halka mashaqadu ka dhacday.

Dhaawaca guddoomiyaha ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaal ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

PUNTLAND POST

The post Puntland: 3 ruux oo lagu dilay gobolka Mudug iyo guddoomiye degmo oo la dhaawacay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this