Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Xoogan Oo Xalay Ka Dhacay Shabeelaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN)- Dagaalkan oo soconayay mudo saacad ayaa ka dhacay deegaanka Buula Mareer oo hoostaga degmada Kuntuwaareey ee gobolka Shabeelaha Hoose,kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen fariisimo ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin gudaha deegaankaasi.

Daryanka hubka culus iyo kuwa fudud oo ay is dhaafsanayeen dhinacyada dagaalamay ayaa laga maqlayay gudaha iyo hareeraha deegaanka Buulo Mareer .

Inkastoo aan la ogeen qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi ayaa hadana la soo sheegayaa in ay jirto qasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyada,balse saakay ayaa guud ahaan waxaa dagan xaaladda deegaanka uu dagaalka ka dhacay.

Al-shabaab ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen deegaanka Buula Mareer inta uu dagaalka socday,balse dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in ay dib isaga laabteen dagaalyahanada Al-shabaab,kadib dagaalka.

Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan saakay ka wada gudaha deegaanka Buula Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose,howlgaladaasi ayaana lagu xaqiijinayaa amaanka deegaanka uu weerarka ka dhacay.

Saraakiisha Milatariga Soomaaliya iyo maamulka degmada Kuntuwaareey ayaa ka gaabsaday in ay faahfaahin ka bixiyaan dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Buula Mareer ee degmadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this