Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Oo Baaq U Diray Ciidanka Qalabka Sida

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN)- Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe taliyaha ciidanka xooga dalka ayaa ugu baaqay in ay ku dedaalaan sugidda amaanka guud ahaan dalka,isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan horumar iyo nabad ku noolaasho.

Taliyaha ciidanka xooga dalka ayaa sheegay in aan amni xumada laga bixi doonaan ilaa ciidamada xooga dalka ay wax ka bedalaan xaaladda amni ee hada uu dalka marayo.

Sidoo kale Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ayaa tilmaamay in loo baahanyahay isbadal dhab ah oo laga sameeyo dhanka nabadda iyo amaanka,si loo gaaro hormar iyo barwaaqo uu ku tilaabsado dalka.

Hadalka taliyaha ciidanka xooga dalka ayaa ku soo beegmaya xili maalin ka hor boqolaal ciidanka dowladda ah oo ka gadoodsan mushaar la’aan ay baneeyeen saldhigyo ay ku lahaayeen gobolks Shabeelaha Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this