Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Ganacsiga Oo Dalbatay In Canshuuraha Laga Dhimo Ganacsatada Wax Dhoofisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN)- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha DFS  Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa kahadlay Cabasho dhawaan ka soo yeertay qaar ka mid ah ganacsatada Somaliyeed ee dalka wax ka dhoofista.

Wasiir Maareeye ayaa wasaarada maaliyadda ka dalbaday in canshuurta laga yareeyo ganacsatadaasi,ama loo sameeyo Canshuur dhaaf,maadama ay dadaal ugu jiraan in ay hormar ka sameeyaan dhoofinta dalagyada kala duwan ee dalka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha DFS  Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa hadalkaaan ka sheegay kulan looga hadlayay waxqabadka wasaarada maaliyada dowlada Somalia.

Shalay ayey aheyd markii Muqdisho lagu qabtay kulan  diirada lagu saaray howlqabadka wasaaradaha  maaliyadda  iyo ganacsiga  ee xukuumadda Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this