Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Madaxweyne Afwerki oo booqanaya Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   
Hargeysa (Caasimada Online) ―  Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland waxa booqasho ku yimid Wefdi ka socda dalka Eritrea oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibeda dalkaasi, Cismaan Saalax.
Wefdigan ayaa intii uu joogey magaalada Hargeysa waxa uu la kulmay Madaxweyne Muuse Biixi, isagoo kulamo kala duwana la qaatay Masuuliyiinta ugu sareeysa Xukuumada.
Geesta kale, waxa soo baxaya Warar sheegay in suurta-gal tahay in dhowaan ay kulan yeelan doonaan labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Eritrea.
Kulankan Labadan Madaxweyne Muuse Biixi iyo İsaias Afwerki ayaa la filayaa in uu dhowaan ka dhaco midkood magaalooyinka Hargeysa iyo Asmara, iyagoo labada Madaxweyne isku direy warqado martiqaad rasmiya, oo midkastaba midka kale ugu yeedhayo inuu booqasho ugu yimaado.
Wararka ay Caasimada Online helayso ayaa intaa ku daray in suurto-gal tahay  in Madaxweyne Biixi uu socdaal  ku tago magaalada Asmara ee dalka  Eritrea, kaasi oo wefdigii Eritrea marti qaad rasmiya uga sideen Madaxweyne İsaias Afwerki, waxaana xigi doona booqasho Afwerki ku yimaado Hargeysa.
Dhinaca kale, Masuuliyiin katirsan Xukuumada Muuse Biixi ayaa iyaguna Caasimada Online usheegay in Madaxweyne Biixi uu dhowaan booqasho ku tagayo magaalada Asmara ee dalka Eritrea, si uu ula kulmo dhigiisa dalkaas.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this