Deeq A. Posted March 20, 2019 Balcad (Caasimada Online) – Xiisad horseedi karta khasaare nafaeed oo xooggan ayaa caawa ka dhacday degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ciidamo hareeyeen xubno ka mid ah wafdigii Muqdisho. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in qaar ka mid ah ciidamada milateriga Soomaaliya ee maanta ka soo baxay furimaha dagaalka ay caawa fiidkii isku hareereeyeen gaari uu saarnaa Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq John oo ka mid ahaa wafdigii Wssiirada iyo Saraakiisha maanta gaaray Balcad. Ciidamadan oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka ayaa sheegay inuusan Taliye Saadaq ka tagi doonin degmada Balcad, illaa la siiyo Qoryo lagala wareegay xilligii howlgalkii Xasilinta Muqdisho. Illaa iyo hadda wax faah-faahin ah lagama hayo qaabka iyo hubka uu Saadaq John kala wareegay ciidamadan, hase yeeshee ciidamadii hubka laga dhigay xilligii howl-galka xasilinta ayaa u badnaa kuwa ku beel ah ciidanka maanta gadooday. Xiisaddii caawa dhacday ayaa waxaa xaliyey wasiirka Amniga Islow Ducaale oo xaalada soo farageliyay, kana dalbaday Taliyaha Ciidamada inay xaalada dejiyaan, wixii qori ee ka maqan uu isaga bixinayo. Ducaale ayaa sidoo kale ku beel ah ciidankan. Ciidamada kasoo baxay gobollada Shabeellooyinka ayaa kasoo jeeda beelaha dega Muqdisho, waxaana sababta mushaharka loogu diiday qeyb ka ah qorshe la doonayo in gebi ahaan lagu baab’iyo, kaasi oo madaxda dowladda ay dejiyeen. Halkan ka aqriso xogtaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites