Sign in to follow this  
Deeq A.

Tahriibayaal Soomaali ah oo Muqdisho la keenay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dawlada Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay dhalinyaro tahriibeyaal ah, kuwaasi oo muddo ku xanibnaa dalka Liibiya.

Dhalinyaradaan oo gaaraya  20-qof ayaa ka kooban 19-Rag ah iyo Hal Gabar, waxayna muddo ku xanibnaayeen dalka Liibiya, halkaasi oo ay ku heysteen kooxaha dadka qafaasha ee Magafeyaasha ah.

Masuuliyiinta Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee xuquuqda carruurta iyo tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya, kuwa hay’adda Qaxootiga  Qaranka iyo guddiga dib usoo celinta tahriibayaasha ee Dawladda Soomaaliya ayaa si weyn garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ugu soo dhaweeyey dhalinyaradaan, iyadoo la geeyey xarunta hay’adda Qaxootiga Qaranka, si halkaasi howlahooda loogu dhammeeyo.

Ergeyga gaarka ah ee xuquuqda carruurta iyo tahriibayaasha ee xafiiska Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Ambassador Maryan Yaasiin ayaa muddooyinkan  dadaal weyn ugu jirtay siddii ay dib dalkooda ugu soo noqon lahaayeen tahriibayaasha Soomaaliyeed ee jooga dibadaha, iyadoo inta ay joogtay xafiiskan soo celisay dad badan oo isugu jiray maxaabiis iyo tahriibayaal Soomaaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this