Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog laga helay shaqo kale oo uu qaban jiray macallin maanta lagu dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil kooxo hubeysan ay ka geysteen degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, waxaana dilka loo geystay macalin Dugsi Qur’aan.

Macalinka oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Abuukar ayaa lagu dhex dilay dugsiga xilli uu cashirada dhageysanayey ardayda uu Qur’aanka barayey.

Macalin  Mukhtaar ayaa ahaa mid si weyn looga yaqaanay Xaafadda uu dugsiga ku yaalay, waxaana da’diisa lagu sheegay 20 jir.

Sida ay Caasimadda Online xogta ku heshay Macalin Mukhtaar Abuukar  ayaa ka tirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Waxaa la sheegay inuu Macalinka maalmihii dambe la kulmayey hanjabaad uga imaaneysay Kooxda Al-Shabaab oo gaartay xitaa in hanjabaadaas lagu soo qoro Facebook.

Macalinka ayaa qoyskiisa u sheegay inay jirto hanjabaad uga imaaneyso Kooxda Al-Shabaab, balse wuxuu iska sii watay Shaqadiisa Macalinimo iyo midda Wasaaradda.

Markii uu dilka dhacay kadib waxaa Goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo sameeyey baaritaano ay ku doonayaan inay kusoo qabtaan dadkii ka dambeeyey dilkaas balse ilaa hadda lama qaban.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta weli ma aysan ka hadlin dilka loo geystay Macalinkaan, sidoo kalana weli ma aysan sheegan Kooxda Al-Shabaab.

Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal loo geysto askar ka tirsan ciidamada Dowladda iyo dad kale,waxaaana inta badan mas’uuliyada dilalkaas sheegta Ururka Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this