Sign in to follow this  
Deeq A.

Ragg Hubaysan Oo Dalka Brazil Ku Weeraray Gadiid Nukliyeer Siday .

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Rio De Janeiro)Rag hubaysan ayaa weeraray kolonyo baabuur ah oo shidaal nukliyeer ah u waday warshad korontada dhalisa oo ku taalla meel u dhaw magaalda Rio de Janeiro ee dalka Brazil, sida ay booliisku sheegeen.

3BBD3C9F-BAA9-49A6-AD31-1EE9B9475E9E.jpe

Kolanyadan ayaa la weeraray iyaga oo dhex maraya bulsho ay maamulaan kooxaha daroogada ka ganacsada ee magaalada Angra dos Reis oo ah goob loo dalxiis tago oo magaalada Rio u jirta 145km.

Booliiskii ilaalinayay ayaa jawaab bixiyay intaas ka dibna waxaa is qabsatay dhawaqa rasaasta, ma jiro qof ku dhaawacmay ama cid loo xiray dhacdadaas.

Kolanyadii oo bad qabta ayaana gaartay warshadda quwadda korontada ee Angra 2.

Weerarkan ka dhacay waddada wayn ee Rio-Santos ayaa ah rabshaddii u dambaysay ee ka dhacda deegaankaas oo caan ku ah dalxiiseyaasha.

Sannadkii 2017 haweenay Britain u dhalatay ayaa toogasho lagu dilay ka dib markii gaarigii uu qoyskeedu watay uu si aan ku talo gal ahayn u dhex maray bulsho ay u taliyaan kooxaha daroogada ka ganacsada.

Kolonyada ayaa wadday shidaal Yuuraaniyaam ah oo lagu soo farsameeyay gobolka Rio de Janeiro si loo geeyo warshadda Angra 2 oo ah mid ka mid ah labada warshadood ee ku yaalla Angra dos Reis oo shaqada billaabay 2001.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this