Sign in to follow this  
Deeq A.

“Jabuuti Hadday Diyaar U Tahay Inay Soomaaliya La Midowdo…” Maxamuud Xuseen Oo Sharraxay Sababta Ka Dambaysa Xidhiidhka Cusub Ee Eriteria & Somaliland Iyo Safarkii Geelle Ku Tegay Magaalada Muqdisho.

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxamuud Xuseen Faarax Oo Sharraxay Sababta Ka Dambaysa Xidhiidhka Cusub Ee Eriteria & Somaliland, Tafsiirna Ka Bixiyey Safarkii Madaxweyne Geelle Ku tegay Muqdisho

“Weftiga Eriteria Ee Somaliland Yimid, Waxa Uu Ka Mid Yahay Isbeddelka Siyaasadeed Ee Ka Socda Geeska Afrika Oo Dalka Maraykanku Xudun U Yahay Iyo Waddamada Reer Galbeedka Oo Doonaya Ama Dano Gaara Ka Leh Mandaqadan Aynu Ku Nool Nahay”

Hargeysa (Somalilandtoday) Hormuudka kuuliyadda sharciga ee jaamacadda Hargeysa, Maxamuud Xuseen Faarax ayaa sharaxaad ka bixiyey waxyaabaha keenay in waqtigan ay dawladda Eriteria wefti u soo dirto dalka Somaliland iyo doorka siyaasadeed ee ay leedahay. “Weftiga Eriteria ee Somaliland yimid, waxa uu ka mid yahay Isbeddelka siyaasadeed ee ka socda geeska afrika oo dalka Maraykanku xudun u yahay iyo waddamada reer Galbeedka oo doonaya ama dano gaara ka leh mandaqadan aynu ku nool nahay. Mar haddii isbeddelkaasi uu yimid, waxa bilaabmaya dawladaha laftoodu inay saaxiibtinimo iyo dublamaasiyadii xidhiidhkoodii ay sameeyaan, xag dhaqaaleed, isu gudubkii dadka iyo wada socodkii. Taas baana keentay in Eriteria lafteedu ay maanta soo booqato Somaliland. Eriteria oo runtii ah dal muddo go’doon ka ahaa geeska afrika iyo siyaasadiisa oo collaadaha geeska afrika ragaadiyay ay ku sababtay inay go’doomaan, oo mararka qaarkood la odhan karo waxay la duruuf ahaayeen innaga (Somaliland) oo kale.” Ayuu yidhi Maxamuud

Waxa uu ka hadlay xidhiidhka ka dhaxeeya safarka madaxweynaha Jabuuti ku tegay Muqdisho iyo weftiga dawladda Eriteria eek u sugan Hargeysa, waxaana uu yidhi; “Jabuuti waa dalka aynu isugu dhawayn, xaaladeena ogaa, xornimadoodii aynu ka qaybqaadanay, anigu waxaan u arkay nasiib-darro inay nagga boodaan, haddana hinaase iyo dhib aannu ku qabnaa ma jirto, Somaliland marwalba dalalka waa la saaxiib, jaarnimada, walaaltinimada ayaa waxwalba ka wayn waayo dhaqan baa innaga dhexeeya Jabuuti, tegitaankaa madaxweyne Geelle Muqdisho ku tegay, hadaad eegto xaga siyaasadda, wuxuu miisaamayaa siyaasadda maadaama ay kala dhex jirto xagooga waxoogaa xagtin Eriteria, inuu xurguftii isaga iyo Farmaajo meesha ka saaro oo xulafaysi iyo soo celiyo xidhiidhkii, waxan iyada meesha ka maqnayn inuu riyaddii ahayd Soomaali-weyn soo celiyo, oo waa kii madaxweyne Geelle kaba hadlay oo miiska soo dhigay. Kolkaa Jabuuti haday diyaar u tahay inay Soomaaliya la midowdo, kolay malaha Somaliland bey ka boodeene, iyagay u taal.” Ayuu yidhi Hormuudka kuuliyadda sharciga ee jaamacadda Hargeysa, Maxamuud Xuseen Faarax oo u waramay HCTV

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this