Deeq A. Posted March 20, 2019 Muqdisho (SMN) – Taliyaha ciidanka xooga Soomaaliya, Daahir Aadan Cilmi [Indhaqarshe] ayaa faray askarta in aysan kasoo tagi fariisimahooda, isaga oo amray saraakiisha in ay dhaqan-geliyaan amarkaasi. Sareeye Guuto, Daahir Aadan Cilmi, ayaa sheegay in askarigii kasoo taga goobta lagu diiwaan-geliyay oo ay ugu talagashay dowladda uusan kamid noqon doonin ciidamada, isla markaana uusana heli doonin wax mushaar ah. Hadalka taliyaha ayaa kusoo aadaya iyada oo todobaadyadii u dambeeyay ay jireen ciidamo ka tirsan kuwa xooga dalka oo soo faarujiyay saldhigyadooda, iyada oo ka cabanaya mushahar la’aan. Ra’iisul wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre, oo ka jawaabay arrintaasi ayaa shaaciyay in uusan jirin askari aan la siinin xuquuqdiisa, isla markaana inta harsan ay yihiin kuwa aan la diiwaan-gelin ayna heli doonan xuquuqdooda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites