Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahad Salaad oo qoraal xasaasi ah ka diyaariyey mushahar la’aanta ciidanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal muhiim ah oo uu soo dhigay bartiisa facebook uga hadlay dhibaatooyinka mushahar la’aan ee ay wajahayaan ciidamada dowladda, isaga oo uga digay madaxda dowladda inay siyaasadeeyaan. Hoos ka aqriso qoraalka.

Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Qaranka in aysan siyaasadayn mushaarka Ciidamada Qalabka Sida!

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa ka soo baxay degmada Mahadaay, Qalimow, Garsaale iyo fariisimo ay ku lahaayeen duleedka Jowhar.

Soo bixitaanka Ciidamadaan ayaa lagu sababeeyay mushaar la’aan mudo 4 bilood ah soo jiitameysay, halka ciidamada qaarkood mudo 6 bilood ah aysan mushaar qaadan. Saraakiil katirsan ciidanka militariga oo aan la xariiray ayaa ii sheegay in ciidamadaan la diiwaan geliyay loona sheegay in mushaarka loogu soo shubi doono akoomadooda ilaa hadana aysan wax lacag ah qaadan.

Sidoo kale xariir aan la sameeyay saraakiil katirsan ciidanka booliska ayaa ii sheegay in mushaar la’aanta ciidamada aysan ku koobnayn militariga kaliya ee sidoo kale ciidamadii Nabad Sugida laga soo wareejiyay ee Booliska lagu daray iyo kuwii 14kii Oktoobar iyagana mudo dhowr bilood ah aysan mushaar qaadan.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii ciidamo ka cabanaya mushaar la’aan oo katirsan qeybta 12-ka April ay isaga soo baxeen deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo markii dambe ay la wareegeen Al-Shabaab.

Haddaba, waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Qaranka in aan la siyaasadayn mushaarka ciidamada, lagana dhaafo ciidamada hadalada xaqiiqada ka fog ee warbaahinta loo marinayo. Sababna aan loo noqon iska horkeenida ciidamada iyo saraakiishooda. Taasoo keeni doonta in ciidamadu furimaha dagaalka soo baneeyaan, cadowgana si sahlan gacanta loogu geliyo deegaano xoreyntooda loo huray naf iyo maal aad u badan.

Mahadsanidiin
Hon. Mahad Salad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this