Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Shaqaalaha beesha caalamka iyo ajaaniibta kale oo ka baxay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in maanta iyo shalay magaalada Muqdisho ay ka baxeen qaar ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay, Midowga yurub, Midowga Africa iyo inta badan shaqaalaha kale ee ajaaniibta ah kuna sugnaa magaalada Muqdisho kadib xaalad cabsi ah oo ka jirta Gobalka Banaadir.

Sirdoonka ajaaniibta ah ee ku sugan Xalane ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay soo galeen Al-Shabaab badan, sidoo kalane ay ku soo dhawaadeen Al-Shabaab kale oo hubeysan kuwaas oo duqayn ku garaaci kara xafiisyada Qaramada Midoobay ee Xalane.

Bilihii dhowaa Al-Shabaab ayaa sare u qaaday weerarada iyo qaraxyada Muqdisho, waxaana sirdoonka reer galbeedka la sheegay inay rumeysan yihiin in magaalada ay kusoo xoogeysanayaan.

Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa marti gelisay boqolaal Shaqaalo ajaaniib ah kuwaas oo ka shaqaynayay Xafiiska UN-ka ee Xalane waxaana la filayaa in kuwa kale ay ka baxaan magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in degaano ku dhow dhow magaalada Muqdisho ay soo galeen kadib markii ay baneeyeen ciidamada difaaca Soomaaliya oo ka cabanaya Mushaar la’aan iyo garaam la’aan.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in Indhaha iyo Dhagaha ka oodatay cabashada ciidamada difaaca ayna qatar gelineyso amaanka Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this