Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka Oo Dalkiisa Ka Mustaafuriyay Nin U Dabaal-degay Muslimiintii Lagu Dilay New Zealand

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Dubai)-Nin u shaqeynaye Shirkadda Transguard ee dalka Imaaraadka ayaa shaqadii laga ruqseeyey, kadibna laga mustaafuriyey dalkaasi sababo la xidhiidha isagoo u dabaal-degay dadkii Muslimiinta ee Jimcihii la soo dhaafay lagu xasuuqay 2 masaajid oo ku yaalla magaalladda Christchurch ee dalka New Zealand.

org-750x430.jpg

Ninkaasi oo aan magaciisa iyo dalka loo mustaafuriyey aan la shaacinin ayaa la sheegay inuu bartiisa Facebook-ga ku qoray hadalo uu taageero ugu muujiyey Gacan-ku-dhiiglihii dilka geystay, una dabaal-degay Muslimiinta lagu laayey Toogashadaasi.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay bixisay Amarka lagu mustaafuriyey Ninkaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this